Tallaalka COVID-19 (AstraZeneca) oo laga saaray suuqa.

Daawada Tallaalka COVID-19 (AstraZeneca) ayaa laga saaray khaanadaha adduunka oo dhan.

AstraZeneca

Source: Getty / Getty images


Daawada Tallaalka COVID-19 (AstraZeneca) ayaa laga saaray khaanadaha adduunka oo dhan.

The U-K Telegraph ayaa sheegtay [[7/5/24]] in tallaalka aan hadda lagu isticmaali karin Midowga Yurub ka dib markii shirkaddu ay si iskeed ah ugala laabatay "ogolaanshaha suuqgeyneed".

Codsiga ka noqoshada tallaalka ayaa la sameeyay 5-tii Maarso, wuxuuna dhaqan galay 7-dii May, sida lagu sheegay warbixinta.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in codsiyo la mid ah laga sameyn doono Boqortooyada Ingiriiska iyo dalal kale oo ansixiyay in iyadana bilaha soo socda suuqa laga saaro dawada tallaalka ee loo yaqaan Vaxzevria.

Tallaalka AstraZeneca ayaa bilihii la soo dhaafay si aad ah isha loogu hayaa saameyn aad dhif u ah, kaas oo sababa xinjirowga dhiigga iyo tirada qulqulka dhiigga oo hooseeya.


Share
Published 8 May 2024 4:12pm
Source: SBS

Share this with family and friends